Duufaano culus oo ku soo wajahan xeebaha Somalia iyo digniino laga bixiyey

Duufaantii ugu cusleyd muddo 12-sano ah ee lagu arko badda carbeed ayaa u soo leexatay xeebaha bari ee Soomaaliya, sida ay sheegeen heyadaha Saadaasha hawada.

Duufaantan oo magaceeda loo bixiyey (Kyarr Cylone) ayaa ku beegneyd kol kii hore xeebaha dalka Cummaan, sida uu ku waramay wargeys-ka Washington Post ee ka soo baxaya dalka Maraykanka.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegay nin Duufaantan ay ku socota xawaare gaaraya 150 mayl ama 250km saacadii, Waana xawaare aad u sareeya oo xataa baabuur uusan ku socon karin, waxayna sidoo kale wadataa roobab lixaad leh.

Maamulka Puntland ayaa soo saaray digniino la xiriira duufaantan oo ku wajahan kalluumeysatada iyo xoolo dhaqatada degaanada Puntland.

Maamulka ayaa fariimo qoraal ah digniino ugu diray shacabka ku dhaqan degaanada xeebaha ku teedsan ee Maamulka sida Raas-Casayr, Xaafuun, Caluula, Bareeda, Xaabo, Geesaley, Murcanyo, Boosaaso, ilaa iyo Laas Qoray.

Duufaantan ayaa ku soo aadeysa xili gobolada bartamaha iyo koonfurta Somalia ay ka da’een roobab Mahiigaan ah oo sababay iney dacalada jabsadaan webiyada Jubba iyo shabelle, waxaana meelaha ay ku fataheen ka mid ah Belad-weyne, Baardheere, degaano ka tirsan shabeelooyinka Jubada hoose iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -